Madaxda Dowladda Somalia oo loo jeediyay Talooyin muhiim u ah Amniga Guud ee Dalka

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon baarlamaanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay fashilka amni ee xilligan ka jira Muqdisho, isagoo dhaliil u jeediyay Madaxda DF, una jeediyay talooyin muhiim ah.

Cayaar-jecel oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dalka ay wajahaan culeyso fara badan, balse ay mas’uul ka yihiin inay la yimaadaan qorsho dhinaca amniga ah, si loo badbaadiyo dhiigga shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre uu xilligan ku mashquulsan yahay xallinta doodaha adag ee ka taagan Galmudug, balse markii uu dib ugu soo laabto Muqdisho laga sugayo isbedddel dhinaca amniga ah.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu hawlo Qaran ka hayaan Galmudug oo la filayo in marka uu soo dhameeyo uu kusoo laabto Xamar, tallaabadan ugu horreysa ee aan filaynana waa inuu isbedel muuqda la yimaado si amniga dalka loo hagaajiyo,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Shire.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda dalka ugu sarreysa ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sugidda amniga dalka, maadaama ay yihiin kuwa ugu sarreeya hoggaanka cidamada gaar ahaan madaxweynaha Somalia.

“Madaxweynuhu isaga ayaa ugu sarreeya ciidamada, waxaana filayaa inay la gudboon tahay inuu la yimaado isbeddel muuqda, waayo qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ma ahayn mid iska yimid, waana in baaris dheeraad ah lagu sameeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanka ayaa si adag uga hadlay qaraxii xarunta maamulka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo sheegay in inta aan Villa Somalia falal amni-darro ka dhicin la beddelo golaha xukuumadda Somalia.

Ugu dambeyn, Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa ahaa midkii ugu saameynta badnaa ee ka dhaca xarun dowladeed tan iyo markii lasoo doortay Farmaajo, waxaana qaraxaas lagu dilay mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST