Amarro culus oo la dul-dhigay shacabka ku nool Xarunta Maamul-goboleedka Galmudug

Dhuusa-mareeb (PP) ─ Kulan amniga la xiriira oo ay magaalada Dhuusa-mareeb ku yeesheen talisyada booliska iyo nabad-sigudda heer federaal ee ka hawl-gala Galmudug, ayaa waxaa laga soo saaray amarro iyo Digniino ku socda shacabka ku nool magalada Dhuusa-mareeb.

Amarrada ay soo saareen hay’adahan amniga ayaa ka kooban 10 qodob oo dhamaantood la farayo dadka ku nool caasimnadda Galmudug ee Dhuusa-mareb, waxayna kala yihiin;

1. Qofkii iska iibinaya garigiisa kuna sugan gudaha Dhuusa-mareeb waa inuu kusoo wargaliyaa xafiisyada qaabilsan diiwaan-gelinta gaadiidka ee labada xafiis.

2. Qofkii leh gaadiid, waa inuu ku xiro gaarigiisa taargada maamulka lamana ogolaan doono gaari aan laheyn taargo oo ah aqoonsiga uu gaariga ku shaqeeyo.

3. Shirkad ama shaqsi iska leh milkiyadda guri ku yaalla Dhuusa-mareeb rabana inuu ijaarto (kireeysto) Waa inuu lasoo xiriiro ama tago talisyada laamaha amniga si loola socdo dhaq-dhaqaaqa cidda dagaysa guriga sida; shirkad, hay’ad, INGo, mas’uuliyiin ama shaqsi iska caadi ah.

4. Ciddii kireeysa guri aysan la socodsiin hay’adaha amniga, iyaga ayaa  ka noqonaya mas’uul wixii gurigaas lagu qabto ama lagu arko, kuwaasoo la xiriira arrimo nabad-gelyo darro.

5. Qofkii la qabto, isagoo hub ku dhex-wata magaalada Dhuusa-mareeb sida; qori, bistoolad ama bambo aan laheyn sumad loo raaco isaga iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona hay’adaha amniga ee Dhuusa-mareeb ku sugan.

6. Gaadiidka ay ku dheggen yihiin muraayadaha madow ama beensalka ah waxaa lagu war-gelinayaa inay iska diiwaan-geliyaan talisyada amniga si loo siiyo aqoonsiga beensalka ama u ogolaanaya in gaadiidkooda ay ku dhejiyaan muraayadaha madow.

7. Gaarigii ku dhex-socda xawaare ka badan 20 saacaddii socodka gaariga gudaha Magaalada waxaa loo arki doona gaari ka qayb-qaadanaya qal-qal-galinta amniga.

8. Qof walba waxaa laga codsanayaa inuu si buuxda ula shaqeyaan laamaha amniga si loo ilaaliyo bad-qabka nafta muwaadinka iyo maalkiisa.

9. Qofkii arka gaari, goob ama shaqsi uu ka shakiyo waa inuu si deg-deg ah ula xariiro hay’adaha amniga si loo baajiyo khatar laga yaabo inay mahadho reebto ama dhibaato culus u keento bulshada magaalada Dhuusa-mareeb.

10. Askari kasta ee ka tirsan xero ka mid ah qaybaha ciidanka ee kassoo baxaya waa inuu soo qaataa aqonsigiisa ciidanimo si aysan u dhicin ismaan-dhaaf iyo isku ekeyn xiliyada hawl-galadu socdaan.

Ugu dambeyn, Amarradaan kasoo baxay hay’adaha amniga Somalia ee ku socda shacabka Dhuusa-mareeb ayaa u muuqda in amniga mgaladaas si toos ah loogu wareejiyay hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Somalia.

PUNTLAND POST