Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee gobolada; Bari, Karkaar, HighLand, Sanaag iyo Guardafui ee dowladda Puntland, ayaa saaka xukunno kala duwan ku ridday, dad ku eedaysan dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, gaar ahaanna dilka Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.
Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay afar eedaysane oo magacyadooda lagu sheegay Mahad Xassan Xuseen, Ayuub Nuur Nuux , Bishaar Maxamed Xassan iyo Maxamed Xassan Baraka Xaarisa, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay in lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana ay ku lug-lahaayeen dilkii Maareeyihii P&O Paul Farmosa iyo dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dil toogasho ah ku ridday, todoba eedaysane-maqane oo sida maxkamaddu sheegtay ay ku caddaatay, in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, ayna wax ka qorsheeyeen dilkii Maareeyihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay isna dil toogasho ah ku ridday, askari ka tirsanaa ciidanka badda Puntland ee PMPF oo magaciisu yahay, Xiddigle Maxamuud Axmed Maxamed Sheekeeye, kaasi oo lagu helay in uu fududeeyay dilka Maareeye Paul.
Waxaa kale oo maxkamaddu ay xabsi daa’im ku xukuntay, Caasho Axmed Maxamed (Caasho Maajoor) iyo Shukri Xuseen Axmed(magaca dambe waa nin) oo wax ka fududeeyay isla dilka Maareeye Paul, halka ay min 20-sano oo xabsiya ku xukuntay, Cabdiraxmaan Maxamed Saalax (Dukhunbe) iyo Cabdirisaaq Axmed Maxamed (fidhig) oo lagu helay in ay xiriir la sameeyeen kooxdii dishay Maareeyaha, balse aan qiran in ay denbigaasi galeen.
Ugu dambeyntii, maxkamaddu waxay xorriyaddiisa dib ugu celisay eedaysane magaciisa lagu sheegay, Aadan isaaq Aadan oo sida maxkamaddu sheegtay wax caddayn ah loo waayey denbiyada lagu soo eedeeyay ee la xiriira in uu wax ka fuliyyay dilkii Maareeyihii dekedda Boosaaso.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.