Booliiska magaalada Qardho oo soo xir-xiray dad lagu qabtay mukhaaddaraad

Taliska Qeybta Booliiska gobolka karkaar iyo kan saldhiga degmada Qardho ayaa maanta soo bandhigay noocyo kala duwan oo mukhaadaraad ah (Maan-dooriye) kuwaasi oo ay ku soo qabteen hawlgallo ay xalay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Taliska ayaa sheegay in mukhaadaraadkan ay ku soo qabteen dad si sharci-darro ah uga ganacsanayey gudaha degmada Qardho kadib hawlgallo ay ciidanka Amnigu ku qaadeen goobaha lagula dhuunto maan-dooriyaha ee ku yaalla magaalada waxaana ay tilmaameen in xabsiga loo dhaadhiciyay dadkii ka ganacsanayey mukhaaddaraadkaasi.

Waxaa kale oo saraakiisha Booliisku sheegeen in ay soo qa-qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo habeenkii dhibaato u geysta shacabka ku nool magaalada Qardho gaar ahaanna dhalinyarada ku hawllan dhaca Taleefoonnada.

Saraakiisha ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan hawl gallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada magaalada Qardho iyo degmooyinka kale ee gobolka Karkaar isagoo digniin adag u diray dadka ku hawllan mukhaadaraadka iyo amni-darrada.

PUNTLAND POST