Oomaar oo ku wajahan Kismaayo xilli Jubaland joojisay safarada mas’uuliyiinta Federaalka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee Jubaland halkaasi oo la filayo in uu kaga dhawaaqo musharrax u taagan madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dabada ka riixayso musharrixiin uu kmaid yahay Mr Oomaar si ay cadaadis u saarto madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo isna mar kale u sharraxan doorashada madaxtinimada Jubaland.

Balse Safarka Wasiir Oomaar uu maanta ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli khamiistii la soo dhaafay ay Jubbaland ku dhawaaqday in ay hakisay safaradii Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku tegi jireen degaannada Jubaland iyadoo Villa Somalia ku eedaysay in ay fara-gelin ku hayso arrimaha doorashadooda.

Dowlad goboleed Jubaland ayaa u diyaar-garowbaysa doorashada madaxtinimada maamulka oo ah mid xasaasiya maadaama uu loollan adag ka dhexeeyo madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Islaan iyo musharrixiinta la baxay Isbeddel Doonka oo ku midaysan in ay meesha ka saaraan madaxweyne Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST