Magaalada Baydhabo oo lagu xiray odayaal tagay goobaha ay ka taliso Al-shabaab

Baydhabo (PP) ─ Ciidamada booliiska maamulka Koofur-Galbeed ayaa u tabaaxay xabsiga dhowr oday-dhaqameed oo ka mid ahaa ergadii horay u soo xulay xildhibaannada maamulkaas ku matala dowladda Federaalka Somalia, kuwaasoo la sheegay inay tageen goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada maamulkaas.

Taliyaha Booliiska KG Somalia, Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay inay hay’adaha amniga gacanta ku dhigeen odayaal kasoo laabtay Al-shabaab, kuwaasoo u muuqda inay fulinayeen amar dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-shabaab oo ahaa inay is-diiwaan-geliyaan si loo cafiyo.

Col. Mahad C/raxmaan ayaa kulan uu la qaatay odayaasha Baydhaba uga dalbaday inaysan tagin meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab, isagoo xusay in odaygii lagu helo inuu goobahaas tagay uu mudan doono ciqaab sharci oo adag.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in odayaasha ay uga digeen inay qaataan amarrada kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inay cabsi gelinayaan oday-dhaqameedyadii soo xulay xildhibaannada, isagoo xusay in tallaabadaas ay ahayd mid waajib ah oo kaga shaqeynayeen horumarka dalkooda.

“Al-shabaab waxay doonaysaa inay odayaasha cabsi-geliso, waxaana hubaa in odayaasha ay sameeyeen arrin dastuuri ah oo xaq loogu leeyahay, mana jirto sabab loo handado,” ayuu hadalkiisa ku daray taliye Mahad C/raxmaan oo xarigga kaddib la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa 15-kii bishan lagu jiro waxaa amar ay soo saareen ay odayaasha soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Somalia ugu qabteen 45-casho inay isaga diiwaan-geliyaan meelaha ay ka taliyaan si loo cafiyo dambi ay sheegeen inay galeen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa ku hanjabay in odaygii aan qaadan amarka ay soo saareen muddo toddobaadyo ku siman uu wajahayo sharciga sida ay sheegeen inuu ka mid noqon karo in toogasho ay ku dilaan, taasoo odayaasha gelisay cabsi weyn.

PUNTLAND POST