Dowlada Somalia oo ka hadashay dhaawaca Duqa Muqdisho oo lagu daweynayo Qatar

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa markii u horreysay ka hadashay xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisoow] iyo dhaawacyada kale ee lagu daweynayo dalka Qatar.

Danjiraha Somalia u fadhiya Doxa, C/risaaq Faarax Cali [Taano], oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee bukaannada weerarradii xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo Qaraxii Is-goyska KM-4 ay soo hagaagayso, isla markaana kuwa daran lala tacaalayo.

Sidoo kale, Safiirka ayaa xusay in qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay KM-4, isla markaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Dooxa, kaasoo magaciisa lagu sheegay, Maxamed Cismaan Cali, waxaana uu ku gubtay goob shidaal oo uu ag-taagnaa markii qaraxu dhacayay.

Taano ayaa hadalkiisa ku daray in dhmamaan dhaawacyada la keenay Qatar oo tiradoodu tahay 12-qof ay u badan yihiin kuwii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay xaurnta maamulka gobolka Banaadir, balse wiilka dhintay uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii KM-4 ka dhacay.

“Dhaawacyada isbitaalka ku haray xaaladdooda waa lagu dadaalayaa, wayna kasoo raynaysaa xaaladdooda caafimaad,” ayuu yiri danjire Taano oo xusay in sidoo kale ay dhaawacyada soo booqdeen qaar ka mid ah ehelladooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay isbitaalka uu ku jiro ay ku booqdeen xaaskiisa iyo caruur uu dhalay oo ka yimid dalka Ingiriiska oo ay daggan yihiin, waxaana la sheegay inay rajo ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad.

Xukuumadda Qadar ayaa diyaarad gaar ah kaga qaadday garoonka Xamar dhaawacyadan oo intooda badan la sheegay inay culus yihiin waxaana lagu daweynayaan isbitaal caalami ah oo ku yaalla magaalada Dooxa.

Ugu dambeyn, Waxaa isagana shalay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku naf-waayay agaasime ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaasoo dhaawaca culus uu kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

PUNTLAND POST