Saddexda Xisbi ee Somaliland oo kala ah Kulmiye Waddani iyo UCID ayaa maanta ka heshiis ka gaadhay doorashada Golaha wakiilada iyo Golayaasha degaanka Somaliland oo wakhtigoodi dhaafay.
Saddexda xisbi ayaa ku heshiiyay in Golaha wakiilada Somaliland ay diyaariyaan mooshin lagu kordhinayo guddiga doorashooyinka Somaliland oo hadda ah 7 xubnood waxaana ay isku raaceen in saddex xubnood oo cusub lagu daro guddiga.
Sidoo kale waxay isku raaceen in guddiga doorashooyinka Somaliland ee hadda dhisan ay diyaariyaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha halka guddiga doorashooyina la soo dhisi doono ee Somaliland ay qabtaan diiwan-gelinta cod-bixiyaasha iyo doorashada labadaba.
Hoos ka akhriso dhammaan qodobada ay isku raaceen
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/07/111-1.jpg?resize=611%2C783&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/07/222.jpg?resize=585%2C633&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.