Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo booqasho howleed ku jooga Dalka Maraykanka, ayaa qurba joogta Soomaaliyeed kula kulmay Magaalada Washington DC ee caasimadda waddankaasi, isagoo faah-faahin ka siiyay guulaha dhaqaale ee ay Dowladdu gaartay iyo waxyaabaha la tiigsanayo.
“Sharaf ayay iitahay in aan khudbad muhiim ah ka jeediyo shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ee Magaalada Washington oo aan u faa- faahiyay guulaha dhaqaale ee aan gaarnay iyo inta weli aan tiigsaneyno ku guuleysigooda” ayuu yiri wasiir Beyele.
Wasiir Beyle, ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen iyo dhaqaalaha ay soo diraan , taas oo wax badan ka qabatay baahiyaha qaar ee Dalka ka jira, wuxuuna intaa ku daray in looga baahan yahay in looga baahan yahay wax qabad intaa kasii badan.
Wuxuu sheegay Wasiirku in aysan jirin cid marti ka ah horumarka Soomaaliya qurba joog iyo dal joog midna, wuxuuna ku baaqay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dhismaha dalka.
“Horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto qurbe ama kuwa dalka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa, Dalkasta Dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta” ayuu sii raaciyay wasiirka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.