Puntland: Go’aan ka soo baxay Baarlamaanka oo aan dheg jalaq loo siin

Baarlamaanka Puntland oo mamnuucay konteenarada Berbera

Xukuumadda Puntland ayaa dheg jalaq u siin go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka, kaas oo lagu mamnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland.

Baarlamaanka Puntland ayaa go’aan ay soo saaareen 8-bishan July  ku macnuucay konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera , ee la keeno degaannada Puntland. waxayna Goluhu sheegeen in ay curyaamin ku yihiin dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Guddiga dhaqaalaha Baarlamaanka oo warbixin jeediyay xiligaas ayaa tilmaamay in konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ay fududeeyeen Wasaarahada Maaliyadda iyo Ganacsiga Puntland, ayna sababi karto arrintaasi in ay howl-gab noqoto dekedda Boosaaso, oo ay xuseen in taxaa laga yaabo in xoolaha laga dhoofiyo loo wareejiyo Berbera, madaama doonyihii qaadi jiray oo badeecooyinka keeni jiray ay joog sadeen.

Kadib go’aankii ka soo baxay Baarlamaanka Puntland waxaa wali si xowli ah ku socda badeecooyinka ka soo dega dekedda Berbera ee Somaliland, waxaana maagaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu dhex arkayaa gaadiid xanbaarsan konteenaro laga keenay Berbera.

Somaliland ayaa konteenarada ka soo dega dekedda Berbera ka qaada khidmad kaliya, halka Puntland ay ku canshuurto Kastamka Tukaraq, waxaana daagiidka badeecooyinkaas soo qaada intooda badan laga leeyahay deegaanada Somaliland.

Badeecooyin badan oo ka yimaada China, Turkey iyo meelo kale ayaa hadda si toos ah u yimaada dekedda Berbera, kuwaas oo gaadiid ku soo daabulo Puntland, halka markii hore lagu soo furfuri jiray Dubai  iyo Salaalah, kadibna doonyo loogu soo qaadi jiray Puntland.

Macaamilka ganacsi ee Somaliland iyo Puntland ayaa imanaya, iyadoo labada maamulka ay ku muransan yihiin gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo dhowr jeer dagaallo dhiig ku daatay ku dhexmaray labada dhinac.

PUNTLAND POST