Sidee loo fuliyay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir?

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Xamar ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixisay qaabkii ay qaraxaas u filiyeen.

War ay kooxdu ku daabacday shakabadaha taageera ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay ku dilaan ergayga QM ee Soomaaliya, James Swan, balse uu ka badbaaday, kaddib markii qaraxa ay lasoo gudboonaatay cillad sababtay inuu qarxi waayo.

Kooxda ayaa sheegtay in qaraxa uu goor-dambe oo maalintaas ah qarxay, ayna dhibaato kasoo gaartay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Qatar.

Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay miiska shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir, balse ma sheegin cidda gacan ku siisay in qaraxaas ay goobta ku diyaariso.

Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadallo dhawaan la isla dhex-marayay oo sheegayay in qaraxaas ay fulisay haweeney indhaha naafo ka ah oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo isla goobta ku dhimatay.

Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya – ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas iyo sidii uu u dhacay, waxaase socda baaritaanno lagu sameynayo cidda gacan ka geysatay iyo qaabka xarunta maamulka loo geliyay walxahaan qarxa.

Ugu dambeyn, weerarkaas oo noqonaya kii ugu xumaa noociisa ee si toos ah loola beegsado xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku naf-waayay agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maamulka gobolka oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, waxaana ku dhaawamay tiro kale oo uu ka mid yahay Inj. Yariisow, kuwasoo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar.

PUNTLAND POST