Mareykanka oo sheegay inay si adag u garab-is-taagayaan shacabka iyo Dowlada Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa ballan-qaad ka dhan ah ururka Al-shabaab u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo ay ku dhinteen xubno badan oo ka tirsan maamulkaas.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaas ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkoodu ay waxyeelooyinka kala duwan kasoo gaareen, wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyey caaafimaad dhaqso ah.

Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah oo ay fulisay kooxda Al-shabaab oo xiriir dhaw la leh Al-Qaacida, uusanna ahayn midkii ugu horreysay ee khasaare badan geystay oo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

Dhanka kale, Danjiraha ayaa xusay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, isla markaana uu ka gacan siinayo baabi’inta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo aan shacabka Soomaaliyeed u naxariisanayn.

“Xukuumadeydu waxay ballan-qaadaysaa sidii aan garab uga siin lahayn DF la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, isla markaana dalka aan dib u dhis uga sameyn lahayn,” ayuu yiri Yamamoto oo intaas ku daray in Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan laga siiyo la tacaalidda argagaxisada.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ammaan iyo boggaadin u jeediyay ciidamada amniga iyo kooxaha gurmadka deg-dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir.

Ugu dabmeyn, weerarkan oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad toban qof, halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo haatan dhaawiciisa lagu daweynayo dalka Qatar.

PUNTLAND POST