Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaacsisay in liiska odoyaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada maamulka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland uu yahay mid sax ah oo waafaqsan diiwaanka wasaaradda ee odoyaasha dhaqanka.
Wasaaaradda ayaa sheegtay in ay ku tix gelinayso guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ay ugu horreeyaan qabashada iyo kala hormarinta jadwalka doorashada Jubaland.
Jubaland waxay sidoo kale caddaysay in aysan wax wada-shaqeyn ah oo ku saabsan doorashada Jubaland oo dhexmaray ama dhexmari kara Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay fara-gelinta ka dayso doorashad Jubaland islamarkaana ay ixtiraamto Dastuurka iyo Nidaamka dalka u yaalla ee kala qeexaya awoodaha heer Federaal iyo heer dowladgoboleed.
Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.