Musuq-maasuq ku wajahan qaadka Soomaaliya iyo canshuuraha ay ka hesho DFS

Muqdisho (PP) ─ Ganacsato Keenyaan ah ayaa wada qorshe halis ah ku ah ganacsiga qaadka Soomaaliya, iyagoo doonaya inay la wareegaan ganacsiga qaadka la keeno Soomaaliya, si loo musuq-maasuqo canshuuraha ay dowladdu ka hesho qaadka, laguna curyaamiyo ganacsatada Soomaalida qaadka keena dalka.

Waxaa qorshahan ku lug leh mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo garab ku siinaya ganacsatadan in si aan sharci ahayn [Monopoly] ay ku maamulaan ganacsiga qaadka, iyagoo si ay dhaqaale aan sharci ahayn uga sameeyaan arritan.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soday shirar hoose oo ay lahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada aan Sooamalida ahayn ee qaadka iyo mas’uuliyiinta DF ka tirsan, iyadoo wararku ay sheegayaan in mas’uuliyiintan laaluush ahaan loo siiyay lacag u dhexeysa 380,000 illaa 400,000 oo doollar, si ay ugu jideeyaan musuq-maasuqa ay doonayaan, iyadoo lacago loo ballan-qaaday mas’uuliyiinta arrintan ku lugta leh, kuwaasoo ka tirsan wasaaradaha ku shaqada leh canshuuraha qaadka.

“Waxaa socda qorshe la doonayo in ka ganacsiga qaadka Soomaaliya gacanta loogu geliyo ganasato aan Soomaali ahayn, kuwaasoo doonaya inay suuqa ka saaraan  ganacsatada Soomaaliyeed ee keena qaadka,” ayuu yri mas’uul ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka keena dalka.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ganacsatadan ay gacan ka helayaan shirkadaha diyaaradaha qaadka keena. Waxaana qorshahoda lagu sheegay inay doonayaan inay mar kale musuq-maasuqaan canshuuraha laga qaado qaadka, iyadoo la ogyahay in dhawaan mas’uuliyiin kala duwan loo xir-xiray musuqmaasuqa canshuuraha qaadka.

Dhanka kale, Tallaabadam ayaa waxay ku kooban tahay gobolka Banaadir oo keliya, waana mid u muuqata in la doonayo in lagu curyaamiyo gacansiga, dhaqaalaha iyo shacabka ku nool caasimadda dalka.

Ugu dambeyn, Diyaaradaha qaadka keena Soomaaliya oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxay milkiilayaasha iska leh la safteen ganacstada Keenyaanka ah si ay u helaan dhaqaale ka badan midka ay hadda qaadka ku keenaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST