Guddi loo magacaabay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay qaraxii xarunta gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddi isugu jira wasiiro, xildhibaanno Iyo maamulka gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Guddiga oo ka kooban 14 xubnood, ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknology-da Cabdi Canshuur Xassan, halka guddoomiye ku xigeenna looga dhigay, Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Halkan hoose ka akhriso magacaabistooda

PUNTLAND POST