Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland uusan waafaqsaneydn diiwaanka madax-dhaqameedka rasmiga ah ee Wasaaradda ugu qoran odoyaasha beelaha Jubaland.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxa kale oo ay sheegtay in ay wasaaradda Arrimaha gudaha Jubaland kala shaqeyn doonto soo saarista liiska rasmiga ah ee odoyaasha dhaqanka beelaha Jubaland ee soo xulaya xildhibaannada maamulka.
Sidoo kale waxay ka digtay khatar ay sheegtay in ay ka imaan doonto haddii la bilaabo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland iyadoo aan la sixin liiska odoyaasha dhaqanka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland.
Dhinaca kale waxay wasaaraddu sheegtay in diiwaan-gelinta musharrixiinta madaxtinimada Jubaland aysan ansixi karin iyadoo aan weli la soo xulin xildhibaannada Baarlamanka dowlad goboleedka Jubaland.
Halkaan hoose ka akhriso

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.