Qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho oo dhaawacmay

Muqdisho (PP) ─ Qarax culsu ayaa goor-dhaw ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, lamana oga inuu goobta soo galay isla maanta iyo inuu horay ugu diyaarsanaa, waxaana weerarkan la sheegay in lagu beegsanayay guddoomiye Yariisow.

Weerarkan khasaaraha geystay ayaa waxaa la sheegay inuu dhacay xilli uu shir uga socday xarunta maamulka dowladda hoose Duqa Muqdisho iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar, kaasoo looga hadlayay hawlaha horyaalla maamulka.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu imaanayo xilli ay maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku kulmeen ergayga UN-ka u qaabilsan Somalia James Swan iyo duqa Muqdisho.

Dhaawaca guddoomiyaha gobolka ayaa la sheegay in la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo la sheegayo in dhaawiciisa uu sahlan yahay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu yahay mid culus, mana jiraanwarar dheeraad ah oo laga bixinayo dhaawaca Inj. Yariisow.

Dhanka kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin; kuwa degmooyinka C/casiis, Waaberi iyo Wardhiigleey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa in lagu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, balse wuu ka badbaaday, waxaase dadka dhintay ku jira shaqaale ka mid ah kuwa dowladda hoose ee Xamar.

Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xarunta gobolka uu ka dhaco Qarax tan iyo markii dib u dhis lagu sameeyay sannado ka hor.

Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxa, mana jirto cid sheetatay inay mas’uul ka tahay, waxaase goobta ka socda baaris ku aaddan cidda fududeysay qaraxan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan iyo khasaarihiisa waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST