Puntland oo shaacisay in ay soo bandhigayso natiijada baaritaan ay ku samaysay dilkii Paul Anthony Farmosa

Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa

PUNTLAND POST