
Abwaan Cismaan Cabudllaahi Guure oo kamid ah murti-maalka Soomaaliyeed ahna suxufi rugcaddaaya oo warbaahinno kala duwan ka soo shaqeeyay ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay amniga iyo xasiloonida ka jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Abwaanka oo ka yimid magaalada Muqdisho si uu uga qeyb-galo bandhiga Buugaagta ee shalay laga daah-furay Garoowe ayaa sheegay in uu xorriyad dareemay kadib markii uu soo gaaray caasimadda Puntland maadaama ay tahay meel nabdoon oo aan wax cabsiya ka jirin.
“Garoowe waxaa naloo ku soo dhoweeyay si aad u qiima badan Xalayna aniga oo lugaynaya ayaan magaalada dhex wareegay sababtoo ah meeshan ka imid mudda dheera noogu dambaysay in aan si xorriyad ah u lugayno” ayuu yiri Guure.
Abwaanka ayaa tilmaamay in Garoowe iyo guud ahaanba Puntland nabadda iyo xasiloonida ka jirtay ay sabab u tahay midnimada iyo wadajirka ay muujiyeen reer Puntland si aan cadowgoodu uga dhex faa’idaysan taasina ay ak dhaxleen amni iyo horumar.
Dhinaca kale abwaanka oo soo hadal qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in dalku ka degi la’yahay laba cudur oo kala ah Qabyaaladda iyo kooxaha argagixisada ah ee shacabka xasuuqaya isagoo ku taliyay in labadaasi cudurba qalinka lagula dagaallamo maadaama la joogo bandhig-aqooneed.
Halkaan ka daawo hadalka Abwaanka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.