Kulan ay si wadajir ah u yeesheen Guddiyada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Guddiyada joogtada ah ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia ayaa xalay kulan ku yeeshay Muqdihso, kaasoo ay kaga hadleen sidii ay u xoojin lahaayeen wada-shaqeysta u dhexeysa labada aqal, kaddib markii dhawaan ay ka heshiiyeen khilaafyadii ku dhex-jiray.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayaya labada guddoomiye ee labada aqal ee baarlamaanka Somalia, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana goobjoog ka ahaa; gudoomiye ku-xigeennada labada aqal iyo xubno kale.

Intii uu socday kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sameyn lahaa xeer labada aqal ay wada leeyihiin oo ay kuwada shaqeeyaan iyo sidii wada-shaqeynta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka loo xoojin lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii labada guddoomiye ee labada aqal ay heshiis kama dambeys ah ka gaareen khilaafyo soo jiitamayay oo u dhexeeyay, kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay hawlaha labada aqal ee Golayaasha Baarlamaanka Somalia.

Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Somalia ayaa waxay shaqadiisu tahay inuu soo dhiraan-dhiriyo sharciyada la doonayo in hawlaha dalka ay ku socdaan, halka Aqalka sare ay hawshiisu tahay inuu ansixiyo sharciyada soo mara aqalka hoose ee baarlamaanka.

Madaxda Dowladda Somalia ayaa dhawaan dadaallo badan ku bixiyay sidii ay isugu keeni lahaayeen hoggaanka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, si loo guda-galo meel-marinta sharciyo uu ka mid yahay kan doorashooyinka kaasoo muran xooggan uu ka taagan yahay.

Ugu dambeyn, Heshiiska labada aqalka iyo kulankoodaan ugu horreeyay ee wadajirka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli muddada u hartay labada aqal ay aad u kooban tahay, ayna horyaallaan hawlo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

PUNTLAND POST