Jubbaland oo ku dhawaaqay liiska Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada cusub

Kismaayo (PP) ─ Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa waxay ku dhawaaqeen liiska magacyada odayaasha-dhaqanka ee soo xulaya xildhibaannada baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Odayaasha soo xulaya xildhibaannada Maamulka Jubbaland ee la shaaciyay ayaa  tiradoodu tahay 135-oday, iyagoo matalaya dhammaan beelaha ay ka kooban yihiin shacabka dada Jubbooyinka, waxaana odayaashaan laga rabaa inay muddo kooban kusoo xulaan xildhibaannada Jubbaland ee soo dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulaas.

Xilka hoggaanka maamulka Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa isku soo taagay musharraxiin fara badan, kuwaasoo mid ka mid ah lagu dilay weerarkii dhawaan ka dhacay Kismaayo oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbaland ayaa waxaa ku jira Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha xilligan ee Jubbaland, waxaana musharrax walba uu wadaa dadaal uu ku doonayo in isaga loogu doorto madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Haddaba, AKHRISO; Magacyada Odayasha dhaqanka Jubbaland ee soo xulaya Xildhibaannada cusub:

PUNTLAND POST