
Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta ansixiyay xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, kadib markii ay nidaamin iyo wax ka beddel ku sameeyeen qodoba ku jira xeerkaasi.
Golaha wakiilada, ayaa ka hor inta aysan ansixin xeerkan, waxay warbixin ka dhegaysteen guddiga arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Baarlamanka, oo sharraxaad ka bixiyay qodoba ay dib u-eegista ku sameeyeen ee ku jira xeerka.
Kadib warbixinta guddiga ayaa mudanayaasha fadhiga soo xaadiray oo ka koobnaa 37 xubnood, waxay dood dheer ka yeesheen xeerka, iyadoo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen, kadib markii 32 mudane u codaysay, halka 4 xubnood ay diideen, xildhibaan kalena ka aamusay.
Halkan hoose ka daawo muuqaal dhammaystiran
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.