Doc weerarka Puntland ee Federaalka Soomaaliya maxaa ka run ah?

In dhowaale waxaa badatay in dawladda Puntland ay ku celceliso diidmada ay kala hor jeedo maamulka federaalka Soomaaliya iyada oo mar walba dhinaca kalena tiraahda waxaan nahay hooyadii federaalka, sidee labadatan hadal isu qabanayaan?

Sida lawada ogyahay Soomaaliya waxay qaadatay habka federaalka waxayna yeelatay axdi qarameed ku meel gaar ah sugayana afti dadweyne oo lagu ansixiyo ama lagu diido. Taasna weli lama gaarin, waana hubaal inuu u baahan yahay in isbedel lagu sameeyo si loo waafajiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Iyada oo axdigaas la raacayo ayaa waxaa la dhisay dawlad federaal oo ka kooban, baarlamaan, madaxweyne, raysal wasaare, golaha fulinta, maxkamad iyo guddoon baarlamaan.

Anigu waxaan taageer sanahay habka federaalka guud ahaan waayo ma doonayo in awoodda dalka oo dhan iyo adeegga bulshada uu hal meel ku ururo ama laga hago oo laga maamulo.

Balse dhinaca kale waxaan doonayaa dawlad  federaal ah oo awood  leh qaadatana doorkeeda kaga aadan midaynta, ilaalinta iyo dhawrista dadka iyo dalka Soomaaliya. U madax banaan dhamaan waajibaadkeeda  qaran, taas oo la doonayo in  aan maamul goboleedyadu ku qabsan arimaha federaalka khuseeya sida arimaha dibadda, ilaalinta xuduudaha dalka-bad iyo beri, maamulka lacagta iyo dakhliga guud, maamulka iyo xukunka ciidamada xooga dalka, suuq geynta iyo soo saaridda khayraadka dabiiciga, ilaalinta nidaamka federaalka iyo iwm.

Hadaan eegno xaalka Puntland iyo hab dhaqanka madaxda Puntland waxay u hadlaan mararka qaar kood sidii ay ka madax banaan yihiin federaalka dalka, amaba iyagu xaq u leeyihiin in wax kasta oo federaal khuseeya lagala tashado ama wax laga weydiiyo.

Waxaad maqlaysaa dad siyaasiyiin ah oo ku hadlaya hadallo ay ka mid yihiin;  Dastuurka Puntland ayaa ka horeeyey kan federaalka, tan macnaheedu waa maxay?  ma dastuurka Puntland ayaa ka sareeya kan federaalka, Puntland ma dawlad iskeed u taagan baa, Maxaa laga wadaa marka la leeyahay Puntland dastuurkeeda ayaa horeeyey ama la hor sameeyey. Sax waa horeeyey waana la hor sameeyey balse waa maxay micnaha ku jira taas. Cidna kuu sheegi mayso waxa arinkaa laga wado.

Waxaa sidoo kale ayaamahan jirta, in dawladda federaalka lagu eedeeyo inay dhinac martay dastuurka ku meel gaar ah ee  federaalka loo dejiyey . Tani iyaduna war cad maaha, maxaa Puntland rabtay in federaalku kala tashato ama federaalka hada jira garab maray oo dastuurka ka dhigay in la jebiyey?

Sidoo kale waxaad arkaysaa marar badan in maamul goboleedyaddu ay federaalka arimo khuseeya ka hadlayaan una diidan yihiin in dawladda federaalku hawl wadeen ka noqoto sida doorashooyinka qaranka, qaybsiga khayraadka dabiiciga iyo suuq geyn tiisa, dhisidda ciidanka xooga dalka iyo iwm. Sax in dawlad goboleedyadu ku yeeshaan arimahaas aragti iyo fikir balse maaha inay hor istaagaan iyada oo aan cadayn sababta diid mada,  shacabkana aan laga dhaadhicin sababta loo hor istaagay arimahaas khuseeya dawladda federaalka si gaar ah.

Midda kale, dawladda federaalka  ee hada jirta waxaa hubaal ah inay haystaan sumcad shacab intay doonto ha leekaatee aadna mooddo inay fahmeen meesha laga taabto shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan hamuunta u qabay dawlad Soomaaliyeed oo ka tarjunta dareen kooda guud iyo mid gaar ahba.

Layskuma haysto sidoo kale in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre ay haystaan taageero shacab ayna maanta yihiin siyaasiyiin in badan oo shacabka Soomaalidu  rajo u arkaan dalkaan u soo hoyatay.

Haddaba Puntland oo ah sida dhabta ah hooyadii federaalka Soomaaliya, waxaan qabaa inay  la gudboontahay madaxdeedu inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan dawladda federaalka iyo madaxda federaalka  wixii kala aragti duwanaan ahna si hoose loo dhamys tiro iyada oo la adeegsanayo xigmad iyo isfahan aragti dheer ku dhisan iyo badbaado qaran.

Middi middi ku taag waxba kuma hagaagan , dawladda federaalka ee aad adigu dhistay ha hor istaagin, shacabkana ha niyad jebin waayo shacabka Puntland waxay u taagan yihiin mar walba midnimadda iyo horumarka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan Puntland.

Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa inaan masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland aan lagu soo koobi karin “labo biyo hoostood iska haraatiday iyaga ayaa is og”. arinku waa dan guud waxayna u baahan tahay daah-furnaan.

Qore: Siyaad Cali Yuusuf
Garoowe, Puntland, Soomaaliya.