Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay wafdi uu hor-kacayo Madaxweynihii hore ee K/Afrika

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Somalia ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn, Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Villa Somalia Nuur Diiriye Xirsi Fuursade, Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

PUNTLAND POST