Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay in fara-gelin ay ku hayso Doorashooyinka Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelin ku hayso doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiin ka hadlay arrintan ay dalbadeen in la joojiyo fara-gelinta ay DF ku hayso doorashooyinka maamulkaas.

Waxgaradka deegaanada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa si weyn uga soo hor-jeestay fara-galinta ay sheegeen in Dowladda dhexe ee Soalia ay ku heyso doorashadda Jubbaland.

Odayaasha-dhaqanka ayaa sheegay inaysan aqbalayn in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo nabad-galiyadda ka jira Jubbaland, loona baahan yahay in fara-gelinta loo bedelo taageero iyo garab-istaag.

Sidoo kale, wax-garadka Jubbaland ayaa ka mid ahaa  saxiixayaashii soo dhisay Dowladda Federaalka Somalia, waxayna xuseen inaysan aqbalayn fara-gelinta ay dowladdu ku hayso doorashada Jubbaland ee la filanayo inay dhawaan dhacdo.

Dhanka kale, Odayaasha-dhaqanka maamulka Jubbaland waxay caddeeyeen inay taageer-sanyihiin sida ay guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan.

Hadalka odayaasha-dhaqanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli musharraxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay inay afduubteen doorashadda Jubbaland.

Ugu dambeyn, Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay bisha soo socota ka dhacdo doorasho, taasoo lagu soo xulayo xildhibaanno kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas oo ay isku soo taageen musharraxiin fara badan.

PUNTLAND POST