Wasiir ka tirsan Puntland oo dhalinyarada ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Puntland

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, ayaa dhalinyarada reer Puntland ku boorriyay in ay mar kasta hormuud u noqdaan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida ay Puntland kaga horumartay degaannada kale ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in horumarka iyo barwaaqada ay Puntland gaartay tan iyo markii la aas’aasay ay sal u yihiin nabadgelyada, xasiloonida iyo kala-danbaynta ku dhisan nidaamka dowladnimo, sidaasi darteedna loo baahanyahay in la ilaashado xasiloonidaasi.

Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in Puntland ay maanta gaartay, heer ay marti-geliso shir weyne maal-geshi oo caalamiya, ayna soo jiidato shirkadaha maal-geshiga ee dunida, islamarkaana uu si xawliya uga socdo qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in dhammaan arrimahaasi ay ku yimaadeen nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

Waxay Puntland maraysaa maanta heer shirwayne lagu casumay maal-gashiyaal caalami si loo maalgashado Puntland taas oo rajo wanaagsan laga qabo insha Allah.Waxaa sidoo kale, meel wanaagsan maraya qorshaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, biyo galinta, maalgashi caalami ah, Goroonmada diyaaradaha, dakadaha, goroomada lagu ciyaaro iyo wixii lamid ah”. ayuu yiri wasiiru-dowlaha.

Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada xasuusiyay in nabadgelyada iyo xasiloonida maanta Puntland lagu harsanayo aysan si fudud ku imaan, balse ay xabaalaha ugu jiraan boqollaal ka tirsan askarta Puntland oo naftooda ku waayay iyagoo Puntland ka difaacaya cadow kala duwan oo isku dayay in ay wiiqaan xasiloonida iyo jiritaanka Puntland.

PUNTLAND POST