Deni oo go’aan ka soo saaray dooxooyinka Waw iyo Bixin

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garowe iyo Buuro Wadal.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 17/07/2019 la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka dooxooyinkaas, waxaana go’aankaas lagu wargaliyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada, Wasaaradda Amniga iyo DDRta, Taliyaha ciidanka Daraawiishta iyo Taliyaha ciidanka Booliska.

Dooxooyinkaas ayaa Puntland sheegtay in ay u aqoon satahay Dhul-daaqsimeed, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doonto ciddii ku xad-gudubta.

Hoos ka akhriso xeerka madaxweynaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.

Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR

Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska

UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu socoto lagu wargelinayaa laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/07/2019 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Dooxooyinkaas oo Dowladda Puntland u aqoonsantahay in ay yihiin Dhul-daaqsimeed, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

  • Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. ***DHAMAAD***

PUNTLAND POST