
Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa shaqada ka ceyriyay maamulihii dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla caasimadda Garoowe Cali Suudaani.
Dikteeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee Gambool loogu magacaabay Maxamed Axmed Maxamed sida ku xusan dikteeradaasi.
Dugsiga sare ee Gambool ayaa laga sheegayaa hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah waxaana uu sannadihii u dambeeyay ka maqnaa kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.
Halkaan hoose ka akhriso dikreetada

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.