Qarax ismiidaamin ah oo gilgilay magaalada Dhuusamareeb

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo xoogganeyd ayaa laga maqlay dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Dhuusamareeb waxaana la arkayey qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray kadib qaraxa.

Qofka ismiidaamiyay ayaa sida wararku sheegayaan fadhiyay maqaaxi ku taalla halka lagu magacaabo xarunta Inji oo ah meesha qaraxu ka dhacay inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in burbur laxaadleh uu gaaray dhismayaal ku yaalla goobta qaraxu ka dhacay islamarkaana waxay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac balse aan hadiiba la xaqiijin akrin.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli uu magaalada ku suganyahay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre oo todobaadyadii u dambeeyay socdaal ku marayey degaannada Galmudug.

Bishii la soo dhaafay ciidamada amniga Dhuusamareeb ayaa fashiliyay qarax lagu doonayey in laga fuliyo munaasabad ka socotay degmadaasi waxaana la qabtay ninkii qaraxa sitay.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post