Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan Shabeellaha hoose

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ay Al-shabaab uga xoreeyeen degaanno hor leh oo ku yaalla gobolkaasi.

Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa shaaciyay in Hawlgalka oo laga fuliyay inta u dhexaysa degmada Wanla weyn iyo degaanka Leego ay ciidamadu Al-shabaab kaga xoreeyeen tuulooyinka Yaaqbariweyne Madax-maroodi iyo leego oo ka wada- tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa wakaaladda Wararka ee SONNA ka soo xigatay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ilaa 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST