Yuusuf Daba-geed oo aqbalay inuu wareejiyo xil uu muddo dheer diiddanaa wareejintiisa

Baladweyne (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] ayaa aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacabay Gobolka Hiiraan, Cali Muxumad Carraale.

Daba-geed ayaa horay u sheegay inuusan jirin mas’uul uu xilka ku wareejin doono, kaddib markii uu sheegay in maamulka gobolka Hiiraan laga dhigay goob maamulkiisa isbedel lagu sameeyo markii la doono.

Kulammo muddo bil ah socday kaddib ayuu Yusuf Daba-geed aqbalay inuu xilka ku wareejiyo mas’uulka bedeli lahaa, waxaana uu sheegay inuu si dhaw ula shaqeyn doono, maaddaama uu xlika hayay muddo dheer.

Sidoo kale, muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Daba-geed ayaa sabab u noqday dhimashada taliyihii ciidamada gobolka Hiiraan, kaddib dagaal aan muddo badan socon oo ka dhacay dulleedka Baladweyne.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii uu Daba-geed diiday inuu xilka wareejiyo ku sugnaa Baladweyne, isagoo tan iyo xilligaas waday kulammo lagu qaboojinayo xiisadda taagan.

Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Carraale oo shalay la hadlay wabaahinta ayaa sheegay in hawlaha gobolka ay si rasmi ah u billaaban doonaan, isla markaana aan loo xayirnaan doonin shaqi aan ogolayn in bulshada gobolka loo adeego.

Ugu dambeyn, gobolka Hiiraan ayaa wuxuu soo maray marxalado dhanka maamulka ah oo kala duwan, waxaana dhawaan guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan loo magacaabay haweeneydii ugu horreysay, taasoo xilka la wareegtay.

PUNTLAND POST