Weerar ku bilowday Qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday Hoteel ku yaalla Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in weerar ku billowday is-qarxin uuna xigay mid toos ah laggu qaaday Hotel Cas-caseey oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Kooxda weerartay hoteelka ayaa la sheegay in qaraxa kaddb ay gudaha u galeen hoteelkaas oo ay dagganaayeen xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland, waxaana weli socda dagaal culus.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in goobaha la weeraray ay ku jirto xarun ay dhallinyarada isugu yimaadaan oo lagu magaaabo Maamuus oo aan ka fogeyn hoteelka.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in weerarku uu ahaa mid si lama filaan ah ku billowday, isla markaana uu yahay mid culus oo u dhexeeya kooxaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulkaas ee gaaray halkaas.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhasay weerarkaas, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho aad u badan iyo dhaawacyo kale oo aan cadad lahayn, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas oo ah mid ay dad badan ku sugnaayeen.

Xubnaha dowladda Somalia ka tirsan ee ku sugnaa hoteelkaas ayaa waxay u badnaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, iyadoo weerarku uu kusoo beegmayo iyadoo bisha soo socota lagu wado inay Kismaayo ka dhacdo doorashada xildhibaanada iyo midda hoggaanka maamulkaas.

Dhanka kale, ma jirto koox sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, balse weerarrada noocan oo kale ah, ayaa waxaa sheegata Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ka tirsan Jubbooyinka, gaar ahaan gobolka Jubbada dhexe oo dhan iyo deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ugu dambeyn, Wixii warar ah ee kasoo kordha weerarkaan oo illaa hadda socda waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

PUNTLAND POST