Wasiir Dhabancad: Khayre waa nin aysan ka muuqan mas’uuliyad Ra’iisul wasaaranimo

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay u diyaarisay Puntland xilli uu shalay galab booqday waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre oo safar shaqo ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo uu dalbaday in uu dhanka Puntland u soo gudbo balse la isku fahmi-waayay habkii loo soo dhoweyn lahaa kadib markii Ra’iisul wasaaruhu diiday hab-maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay Puntland u diyaarisay uuna sheegay in uu u socdo dhalinyaro loogu sii diyaariyay waqooyiga Gaalkacyo si uu khudbad ugu jeediyo.

Mudane Dhabancad ayaa intaasi raaciyay in kulamo kala duwan kadib la isla gartay in Ra’iisul wasaaraha lagu soo dhoweeyo waqooyiga Gaalkacyo islamarkaana loo sameeyay jadwal uu kula kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada waooyiga Gaalkacyo oo ay u horreeyaan isimada Dhaqanka isagoo caddeeyay in taasna uu mar kale baal-maray Ra’iisul wasaaruhu.

Dhabancad ayaa raalli-gelin siiyay isimadii iyo madax-dhaqameedkii kale oo uu sheegay in ay sii diyaar-garooben la kulanka Ra’iisul wasaaraha balse uu tix-gelin waayay ixtiraamka ay mudan yihiin.

Sidoo kale wuxuu warbaahinta u soo bandhigay jadwalkii loo diyaariyay soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha oo sida ka muuqata ay ku jirto la kulanka isimada ku sugan waqooyiga Gaalkacyo.

Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id

PUNTLAND POST