Puntland oo soo dhoweynaysa duullimaadyo caalamiya

Shirkii Golaha wasiirada dowladda Puntland ee Khamiista maanta oo uu guddoominayey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laga shaaciyay in Puntland ay diyaar-garowgii u dambeeyay ugu jirto munaasabad lagu soo dhoweynayo shirkadda duullimaadyada Ethiopian Airlines oo duullimaadyo caalamiya ka bilaabi doonta garoomada Puntland.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo Golaha warbixin ka siiyay soo dhoweynta dullimaadyada Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in munaasabad soo dhoweyn ah loo qaban doono shirkadda oo duullimaadyo joogta ah Puntland ka bilaabi doonta 15-bishan Julay 2019.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in horumarin lagu sameeyay garoomada Caalamiga ah ee Puntland gaar ahaanna dhinacyada bilicda amniga iyo hab-maamuuska waxaana wasaaraddu xustay in duullimyaado kale oo caalamiya ay dhowaan ka bilaaban doonaan garoomada Puntland.

Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa dood dheer kadib ansixiyay xeerka maaraynta dhulka magaalooyinka Puntland oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud ee Puntland.

Af-hayeenka madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa faahfaahiyay dhammaan qodobii shirka looga hadlay

PUNTLAND POST