Madaxweyne Farmaajo: Waa in degdeg loo joojiyaa dirirta sokeeye ee ka socota Ceel-Afweyn

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu ka tiiraanyeysanyahay colaadda u dhexaysa labada beelood ee mar kale ka soo cusboonaatay, degaanka Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday colaaddaas, isagoo dadkii ku dhaawacmayna Ilaahay uga baryey in uu u boogo dhayo “Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo”.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

Mudane Farmaajo ayaa xasuusiyay dadka degaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

PUNTLAND POST