Duqa Muqdisho oo furay Tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa shalay galab garoonka Wiish ee degmada Cabdulcasiis ka furay koob kubadda gacanta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar-weyne ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Cayaaraha ee heer gobol, masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay.

Goddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cayaaraha ahmiyad gaar ah u leeyihiin horumarka iyo isdhexgalka bulshada Caasimadda.

“Waxaan halkan ka fureynaa tartanka degmooyinka ee kubada gacanta, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda, waxaan rabnaa inaan uga mahad celino doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska,” ayuu yiri Yariisow.

Dhanka kale, Inj. Yarisow ayaa tilmaamay soo nooleynta kubadda gacanta in ay ka tarjumaysaa aragtida maamulka Gobolka Banaadir uu ku soo nooleynayo sidii ay barisamaadkii ahaan jireen tartamada kala duwan ee cayaaraha.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsheyaal lagu doonayo inay isku dhex-galaan dhalinyaradu, kagana fogaadaan fekradaha xagjirnimada ah.

PUNTLAND POST