Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ku eedaysnaa weerar sannadkii 2017 lagu qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Saddexda nin ee saaka Maxkamaddu xukunta dilka ah ku fulisay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Farxaan Maxamed Samatar Cabdinaasir Dhaqane Xassan iyo Abshir Maxamed Xaaji oo sida maxkamaddu sheegtay dhammaantood lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana ay fuliyeen weerar ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2.
Weerarka lagu qaaday hoteel Naasa-hablood 2 oo dhacay 28-dii October 2017 ay xilligaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxa ku dhintay 18 ruux waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale .
Halkan hoose ka akhriso xukunka ku dhacay
Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-
1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.
2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo
3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.
WABILAAHI TOWFIIQ
PUNTLAND POST