Faysal Cali Waraabe oo maamulka Muuse Biixi u jeediyay dhaliil, soona saaray Digniin

Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si adag u dhaliilay siyaasada gudaha ee xukuumada Muuse Biixi.

Inj. Faysal ayaa sheegay in xisbiga UCID uu dabada ka riixayey heshiisyadii ay Kulmiye wada-galeen ee ku aadanaa qabsoomida doorashooyinka, isagoo xusay in Madaxweyne Biixi uu hor-taagan yahay inay doorashooyinkaas ka qabsoomaan Somaliland.

Sidoo kale, Waraabe ayaa ka dhawaajiyay in xukuumada Muuse Biixi ay gebi ahaan ku fashilantay siyaasadii gudaha, isla markaana ay Somaliland wajahi doonto hoggan-xumo baahsan.

Guddoomiyaha UCID, ayaa intaas ku daray in dadaalada ay xukuumada Biixi kawado dibadda ay uga mudan tahay inay hagaajiso siyaasaddeeda gudaha oo ku tilmaamay mid gabi ahaan joosatay.

“Ma socoto, loomana jeedo doorasho inay qabsoonto, midii deegaanka waad arkaysaan, iyadoo sharci ku fadhiyin ayay shaqeynayaan, waa aanan horay u arag innagu. Doorashadii wakiilladana ma socoto, annaga UCID ahaan baa dabada-ka-riixayna, balse xukuumaddu uma jeeddo, Waddani baa diiday oo yiri guddiga doorashada la kala saaro, taasina xal ma noqonayso, sidoo kale mar-marsiyona ma noqonayso, xilkuna wuxuu saaran yahay xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi,” ayuu Faysal ku sheegay hadalkiisa.

Dhanka kale, guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dadaallada ay waddo xukuumadda Biixi aanay waxba ka jiri doonin, hadidi ay shaqeyn waydo siyaasadda gudaha, waayo maamul wuxuu ka socdo waa gudaha ee kama socdo dibadda.

“Shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa in hawlihii xukuumadda ay gabi ahaan istaageen, waxaana sabab u ah taas madaxdii xukuumadda oo aan u soo jeedin ay wax ka qabtaan siyaasadda gudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Inj. Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa uga digay Muuse Biixi inuu dib u dhigo doorashooyinka oo uu waqtigooga ku qabto, isagoo xusay haddii ay doorashooyinkaas qabsoomi waayaan uu mugdi galayo maamulka guud ee Somaliland.

PUNTLAND POST