Falcelin: Jaamacadaha Puntland iyo Talyaaniga

 Waxaan jeclahay inaan faallo yar ku darsado maqaal kooban oo lagu qoray Puntland Post taariikhdu markey ahayd Juun 6, 2019, kaas oo ka hadlaayey waxtarka ay lahaan karto in  Jaamacadaha Puntland gaar ahaan iyo kuwa Soomaliya  guud ahaan wada shaqayn iyo xiriir wanaagsan la yeeshaan tacliinta sare ee dalka Talyaaniga.

Sida qoraalka Puntland Post lagu xusay, Talyaanigu wuxuu la lahaa Soomaaliya taariikh dheer oo heerar iyo wajiyo kala duwaan soo martay. Waxaan ka xusayaa oo keliya ah arrinta kor ku xusan, maqaalkuna ka hadlay: waa tan waxbarasho, gaar ahaan tacliinta sare (higher education). Jaamacaddii ummada Soomaaliyeed (JUS) oo ahayd tan keliya ee dalka ka jirtay, waxaa hirgeliyey dawladda Talyaaniga inteeda badan (marka laga reebo Kulliyaddii Lafoole). Dawladda Talyaanigu waxay runtii gelisay dadaal badan si ay JUS u taabo gasho. Waana hirgashay; inkastoo Soomaliduna dadaal badan gelisay arrintaas.

Waxaa xusid mudan in bilowgii JUS inta badan khubaradii wax ka dhigijiray ay ahaayeen bare sareyaal Talyaani ah, kuwaas oo ahaa macalimiintii waxa ka dhigijiray Jaamacadaha Talyaaniga. Waqtiyadii dambe waxaa soo batay macalimiin Soomaali ah (uuna badnaa ardaydii ka qalin jebisay JUS) oo Talyaanigu tababarkooda qayb libaax ka qaatay. Kulliyad walba oo ka tirsaneyd JUS waxay ku xirnayd kulliyad kale oo ku taal dalka Talyaaniga oo xiriir dhaw la lahayd. Xiriirkaas oo wax badan ka tari jiray tayeynta kulliyad kasta oo ka mid ahayd JUS.

Waxyaabaha wax ku oolka ah oo dawladda Talyaanigu qaban jirtay waxaa ka mid ahaa: Deeq waxbarasho oo la siin jiray macalimiinta JUS iyo dadka ka shaqeeya shaybaarada, qalabeynta shaybaarada wax lagu baaro dhinaca cilmi baarista ee laamaha kala duwan ee cilmiyada sayniska iyo farsamada, Waxa kale oo gacan ka geysan jireen maalgelinta cilmi bariista ka socota Jaamacadda.

Haddaba, burburkii iyo dhibaatadii dalka ka dhacday ka dib, maxaa Talyaaniga looga diiday? Maadaama uu yahay dalka keliya oo Soomaalida si fiican u yaqaan, wax badana ka saaciday, gaar ahaan dhinaca tacliinta sare. Waqtiyadii hore, xiriirka xitaa siyaasadeed ee Talyaaniga iyo Soomaaliya waa fiicnaa; maanta dawlado kale ayaa saamayn ku leh arrimaha Soomaalida. Waxaad moodaa in Soomaalidu qabri la jeceshshay wixii taariikh hore ahaa!! Sidee tixraac laáan taariikheed ummadi waayaha wax uga baran kartaa?

Waxaan ku soo koobaya qoraalkaan in ay fikrad wanaagsan tahay in Jaamacadaha Puntland ay xiriir la yeeshaan tacliinta sare ee Talyaaniga, dawladduna arrintaas qayb ka qaadato. Aqoonta cilmiyeed iyo farsamo ee Talyaanigu waxaa lagu tiriyaa kuwa heerka sare ee dunida. Xiriir dhexmara jaamacadaha Puntland iyo kuwa Talyaaniga wuxuu qayb fiican ka qaadan karaa kobcinta iyo tayeynta tacliinta sare ee dalka.  

                                                                 Mahadsanidiin

Dr. Ahmed M. Osman wuxuu ka mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummada Soomaliyeed (JUS); imminkana wuxuu bare sare ka yahay Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Bosaaso (UOHS).