Dagaal Culus oo ka socda degaanka Dhoob ee gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda Col. Caarre uu haatan ka socdo degaanka DHoob oo qiyaastii 45 km dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan jabhadda Caarre oo ka yimid dhinaca magaalada Qardho kuna sii jeeday buuraleyda Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Warar laga helayo degaanka ayaa sheegaya in taliyaasha ciidamada Somaliland ay amar ku bixiyeen in weerar lagu qaado jabhadda Caarre si looga hor-istaago in ay dhufays ka helaan buuraleyda dhanka waqooyi ee magaalada Ceerigaabo halkaasi oo Col. Caarre uu degaan ahan ka soo jeedo.

Dadka ku nool tuulooyinka Dhoob iyo Biya-guduud ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan hubka culus oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degaanka Dhoob.

Dhinaca kale muddaraadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi ayaa hadda ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaana sawirro laga soo qaaday muujinayan shacab dhagxaan ku xiraya qaar kamid ah waddooyinka degmadaasi.

PUNTLAND POST