Maxkamadda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa saaka saddex sano iyo lix bilood oo xarig ah ku ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in suxufi Cabdi Maalik Coldoon lagu helay aflagaaddo madaxweyne iyo in uu sumcad dil u gaystay iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla Somaliland.
Xukunka weriye Coldoon ayaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kadib markii maxkamaddu dalbatay in la soo dhammaystiro dacwadaha loo haysto oo la xiriiray in uu maamulka Muuse Biixi dhaliilay iyo in uu wax ka sheegay sawirro laga qaaday iskuulka Abaarso oo anshax-xumo muujinaya.
PUNTLAND POST