Wasaarada Caafimaadka DF oo ka hor-timid go’aan kasoo baxay Maamulka G/Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Caafimaadka Somalia, ayaa ka biyo-diidday go’aan dhawaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ku aadan qaadasha buugga caafimaadka xilliga laga dhoofayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaarisay goobihii ay ka heli lahaayeen caafimaadka aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta doonaya inay dalka ka dhoofaan.

Inkastoo war-saxaafadeedka wasaaradda aan lagu soo hadal qaadin buugga uu dhawaan gobolka Banaadir shaaciyay inuu diyaarinayo, ayaa hadana lagu xusay qoraalka in wasaaradda caafimaadka ay hawlaheedu yihiin sidii ay u hubin lahayd bad-qabka caafimaad ee muwaadinka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo u muuqda inuu hadalkan ka carooday ayaa wuxuu bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu dhaleeceynayo wasaaradda caafimaadka oo uu ku sheegay in buugga caafimaadka uu yahay mid weligiis u diyaarin jiray maamulka gobolka banaadir, balse wasaaradda shaqadeeda ay tahay inay ilaaliso badqabka caafmaad ee dalka oo dhan.

AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia;

PUNTLAND POST