Jaamacadaha Puntland iyo Talyaaniga

Jaamacadaha Puntland qaarkood waxaa asaasay  dad  iskugu jira kuwo wax ka soo bartay iyo kuwo wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ( JUS). Kulliyadaha JUS waxay xiriirro la lahaayeen jaamacadaha Talyaaniga. Xiriirkaas wuxuu saamayn wanaagsan ku lahaa tayada manhajka kulliyadaha.

Xirfadleyaal badan oo reer Puntland ah ayaa wax ku soo bartay dalka Talyaaniga burburkii dowladdii dhexe kaddib iyo ka horba. Waa kuwa looga baahan yahay inay sameeyaan xiriirro u dhexeeya jaamacadaha Puntland iyo jaamacadaha Talyaaniga. Waxay kale oo horseedi karaan furista dugsiyo lagu barto af Talyaaniga waayo Talyaanigu wuxuu ka mid yahay dalalka la isku yaraahdo Kooxda 7 ( Group 7) oo 58% leh hantida adduunka. Hay’addii FAI ( Sanduuqii Kaalmada Taalyaaniga) waxay maalgelisay dhisidda kaabayaasha maanta Puntland ay ku tiirsan tahay. Reer Puntland abaal wayn bay u hayaan canshuur-bixiyeyaasha Talyaaniga.

Xiriir tacliin sare oo dhexmara jaamacadaha  Puntland iyo kuwa Talyaaniga wuxuu wax ka tari karaa tayada manhajyada iyo maamulka tacliinta sare. Puntland may lahayn jaamacado ka hor burburkii dowladdii dhexe sidaas darteed waxay kala mid tahay qaybaha kale ee Soomaaliya la’aanta xusuus hay’adeed ku saabsan maamulka jaamacadaha ka hor 1991kii waayo xogtii maamulka kulliyadiihii Soomaaliya  waxaa la bililiqaystay markii dowladdii dhexe ay burburtay.

Puntland Post wuxuu soo jeedinayaa in dowladda Puntland ay gacan ka geysato  dadaallada keenaya in jaamacadaha Puntland ay iskaashi farsamo la yeeshaan jaamacadaha Talyaaniga.

© Puntlandpost.com 2019
Wixii falcelis ah u soo dir adoo mahadsan: pp@puntlandpost.com