Dowladda Somalia oo soo saartay Qodobbo la Xiriira doorashooyinka Jubbaland

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa soo saartay qodobo gaar ah oo ku saabsan doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee  xarunta Jubbaland.

Qoraalka ay wasaaraddu soo saartay ayaa ka koobnaa shan qodob, iyadoo lagu amray maamulka Jubbaland in soo xulista odayaasha ay isla ansixiyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo midda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in odayaasha rasmiga ah ay soo xulaan xildhibaannada Jubbaland, isla markaasna halkii kursi loosoo xulo hal xildhibaan, iyadoo aysan jirin isku dhex-yaac.

Wasaaradda ayaa sheegtay in la ilaaliyo qoondada haweenka, lagana rabo in beel walba ay haweeney kusoo daraan baarlamaanka, gaar ahaan kuwa hela saddex xubnood oo baarlamaanka u galaya, kuwaasoo laga doonayo inay mid ka mid ah noqoto haweeney.

Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa amar ku bixisay in meesha doorashada lagu qabanayo ay noqoto Dugsiga booliiska Jubbaland ama xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Kismaayo si loo fududeeyo geeddi-socodka doorashada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa xustay inay doorashada goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia iyo wakiillo metelaya Beesha Caalamka.

AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya;

PUNTLAND POST