Cuba ma waxay doonaysa in ay hawgal qorshaysan ka fuliso gudaha Soomaaliya?

Wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel Portal

Wasiirka Caafimaadka dalka, Cuba Jose Angel Portal ayaa Jimcihii shalay sheegay, in ay weli nool yihiin laba dhakhtar oo u dhashay dalkiisa, kuwaasi oo bishii April ee sannadkan laga afduubay xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Havana, ayaa sheegay in dowladda Cuba ay wax kasta oo ay awooddo ku bixinayso, sidii loo soo dayn lahaa dhakhaatiirtaasi oo lagu haysto gudaha dalka Soomaaliya.

Mr Portal ayaa xusay in dadaalka lagu sii daynayo labada dhakhtar ee Landy Rodriguez iyo Assel Herrera, uu yahay mid adag oo u baahan wakhti si loogu guulaysto “dowladda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aaddan sii dayntooda “ ayuu yiri Jose Angel Portal.

Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa dhowaan khadka taleefonka kula hadlay madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, si loo agaasimo dadaalka lagu soo celinayo labada dhakhtar oo ay afduubteen kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab oo ka hawlgala xuduudka labada dal.

PUNTLAND POST