Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Somalia xiriirka ugu jartay Guinea

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dowladda Somalia ay shalay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka Guinea oo ku yaalla Galbeed Afrika, ayaa waxaa ka jawaabay go’aankaas maamulka Somailand, iyagoo sheegay in Guinea aysan ahayn dalkii ugu horreeyay oo ay madaxtooda si weyn loogu soo dhaweeyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan dalka Guinea ayaa sheegay in DF ay go’doomin ku heyso Somaliland, isla markaana ay ka horjeedo horumarada ay ku tallaabsatay, taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan.

“Maamulka Xamar mar walba waxay wadeen sidii ay u hagar-daameyn lahaayeen Somaliland, balse maamulkayagu taas uma joojinayo oo wuu sii wadi doonaa horumarrada iyo xiriirrada uu caalamka la sameynayo,” ayuu yiri Faratoon oo hadalkiisa ay ka muuqatay caro.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Somaliland dalal dhowr ah oo ku yaalla Afrika iyo caalamka intiisa kale ay xiriir wanaagsan la leedahay, balse Dowladda Somalia qorshaha ay wado ay ku weyn doonto saaxiibtinimada dalal badan.

“Waxay nala tahay hadda uun bay ku baraarugeene, innagu dalal badan ayaan la sameynay xiriirro dublamaasiyadeed oo kala duwan, waanu sii wadi doonaa,” ayuu hadalkii ku daray, isagoo sheegay in Guinea-Conakry keliya aysan ahayn dalalka sida weyn loogu soo dhaweeyay madaxtooyada ee ay  ka mid tahay Itoobiya dalalka hab-maamuuska ballaaran u sameeyay.

Dhanka kale, Go’aanka Dowladda Federaalka Somalia ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea ayaa waxaa sabab u ahaa in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu laba cisho ka hor safar ku tegay dalkaas, isla markaana loosoo dhaweeyay sida madaxweyne dal kale.

Ugu dambeyn, Dalka Guinea-Conakry ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray dowladda Somalia, iyadoo la ogyahay in labada waddan aysan lahayn xiriir muuqda oo sababi kara in xiriirka ay isku jaraan, sidoo kalena kuma yaallaan wadda hal gobol.

DHAGEYSO: Warka uu Saxaafadd Siiyay wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ku sugan dalka Guinea

PUNTLAND POST