Shirkadda Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo loo kordhiyay heshiiskii shaqo

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Soomaaliya, ayaa faahfaahisay heshiiska ay shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Xamar loo kordhiyay, kaasoo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay ay shirkadaas Turkiga laga leeyahay ku maamuleysay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay heshiis cusub la gashay shirkdaas, kaasoo ku saabsan qandaraas dhinaca dhismaha ah, ayna dib u dhis iyo ballaarin lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska ay ansixiyeen ay muddo ka shaqeynayeen, isla markaana ay waafajiyeen sida u roon Soomaaliya, ayna faa’iidooyin badan uga heli karaan garoonka.

“Waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno inaan ku kordhinno hawlaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Somalia, waxaana rajeynaynaa in hawsha lagu ballaarinayo garoonka ay soo jiidato shirkado diyaaradeed cusub oo ku soo biiri doona kuwa hadda dalka yimaada,” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in hawlaha hawadahada Somalia ay marayaan meel wanaagsan, ayna dhawaan billaabi doonaan inay qalabeyn ku sameeyaan dhammaan garoommada dalka, si hawlaha garoomada loo xoojiyo, daqliga hawada naga soo galena loo kordhiyo.

UGu dambyen, Heshiiska Qandaraaska loogu kordhiyay shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga ayaa waxaa shalay ansixiyay golaha wasiirada DFS, kaddib shir ay ku yeesheen Muqdisho.

DHAGEYSO; Hadalka Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya uu jeediyay kaddib Ansixintii Heshiiska Favori

PUNTLAND POST