Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay Dastuurka Galmudug iyo sidoo kale baahida loo qabo dib u-heshiisiinta iyo midaynta Galmudug uu go’aansaday in uu dowladda Federaalka Soomaaliya u wakiisho hawlahaasi.
Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa lagu faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay sii wataan waajibaadkooda ay bulshada u hayaan inta laga soo dhisayo dowlad cusub.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.