Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa xukuntay saddex nin oo sida la sheegay ay ku heshay ku lug’lahaansha weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarrisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.
Saddexda nin ayaa laba kamid ah maxkamaddu ku ridday min 41 sano oo xabsiya halka ninka saddexaad ay ku ridday xabsi daa’in kadib markii ay ku caddaatay in ay gacan ka geysteen weerarkii Jaamacadda Gaarrisa ee lagu xasuuqay 150 ruux oo ka kooban arday iyo shaqaale kale oo jaamacadeed.
Weerarka ayaa dhacay 2-dii April 2015 xilligaasi oo 4 nin oo hubaysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen jaamacadda Gaarrisa halkaasi oo ay ku xasuuqeen arday shaqaale jaamacadeed.
PUNTLAND POST