Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku Ridday Ruux lagu eedeeyay Dambi Culus

Muqdisho (PP) ─ Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia, ayaa waxay ku riday nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ururka Al-shabaab, isla markaana hubka u kala gudbin jiray.

Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse oo loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray bishii Feberaayo sanadkan 2019-ka inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, gaar ahaan kooxda hubka fudud ee dilalka lagu geysto kala gudbiya.

Sida uu ku sheegtay caddeymaha ay ka qoreen hay’adaha baarista amniga Al-shabaab wuxuu ku biiray bilowgii bishii Ogoosto 2018-kii,  Laba kale oo ka tirsan ehelkiisa ayuu sheegay inay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab.

Tiro saddex jeer ah ayuu sheegay inuu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeellada Hoose, wuxuu ugu kala dhiibayay qeyba ka mid ah xaafadda Towfiiq shaqsiyaad kale oo ay kuwada jiraan kooxda Al-Shabaab, carafaad iyo Suuqa xoolaha oo u ahayd  markii seddaxaad ay  suura-gashay inay qabtaan ciidamada amniga isagoo hub ku waday boorso uu watay.

Hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in eedeysane, Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) lagu soo qabtay; laba bastoolad, seddax qasnad iyo 23-xabo oo rasaas ah, kuwaasoo uu ku watay boorso uu xambaarsanaa.

Dabayaaqadii bishii afaraad ee sannadkan ayaa loo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay ku gudo-jiray xafiisku dhamaystirka baarista kiiskan si cadaalada loo horgeeyo, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe.

Xafisika xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda horgeeyay dambi muujinaya hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay.

Sidoo kale, Xafiiska ayaa ku dooday in eedeysanahu ahaa keyd haya hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al-shabaab dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay kusoo eedeeyeen.

Dhanka kale, Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku doodaya inuusan  Maxamed C/llaahi geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn karin gacansiin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxayna garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, iyadoo lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur [Shuute] guddoomiyaha mxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Ugu dambeyn, Xukunka Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) oo dhacay maanta ayaa la sheegay inuu haysto fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan.

PUNTLAND POST